Wararka

Godoomiye Cirro oo madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu Car-qalad ku yahay dhismaha kumashankii doorashooyinka Golaha wakiilada.

Xisbiga wadani ee Soomaaliland ayaa maanta eedeeyn usoo jeediyay madaxeynaha maamulka Soomaaliland kaas oo ay ku eedeeyeen in uu darbi ku yahay dhismaha kumashankii doorashooyinka Golaha wakiilada.

Godoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi (Cirro),ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu gabey shaqadii loo doortay isla markaana uu shaqadiisii u badaley Dhul Boob.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi (Cirro), Godoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee wadani oo goordhow shir jiraa’id ku qabtay hooyga uu ka deganyahay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu mar walbo caqabad ku yahay in la dhameystaro heshiiskii 27 JULY 2019 laga gaaray kumashankii doorashooyinka Golaha wakiilada isagoo sidoo kale sheegay in madaxweyne Muuse uu jidgooyo u dhigtay dhul ay leeyihiin Dad dan yar ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close