Wararka
Duqa Caasimada oo kormeeray qaar kamid ah kaamamka Barakacyaasha ku dhaqan Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray qaar kamid ah xarumaha barakacayaasha eek u yaallo Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan dad dhibaataysan.
Kormeerka Guddoomiyaha ayaa ku salaysnaa sidii uu ugu kuura gali lahaa xaalada ay kusugan yihiin qoysaska kusoo barakacay magaalada Muqdisho xili roobab lixaad leh ay ka da’aayaan Caasimada dalka ee Muqdisho.
Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa xarumaha barakacayaasha ee uu booqday waxa uu gaarsiiyay baco iyo Teen-dhooyin loogu talagalay Barakacyaasha iney kaga hooydaan Roobka iyo Cad-Ceeda.