Wararka
(AKHRISO): kulanka golaha Shacabka oo maanta lagu Ansixiyay xubin ka banaaneed Guddiga Madax Banaan Doorashoyinka Qaranka.

Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa hargaysa ku yeeshay Kulanki 2aad ee Kalfadhiga lixaad oo ay kaga doodeen Ajandayaal dhowr ah iyagoo sidoo kale ansixiyay xubin ka banaaneed Guddiga Madax Banaan Doorashoyinka Qaranka.
Guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa kulanka shir guddoomiyay waxaana Ajandayaasha shirka kamid ahaa U Codeyn Ansixintanta Xubin Magacaaban Guddiga Madax Banaan Doorashoyinka Qaranka, Akhrinta 2aad Hindise Sharciyeedka Dakhliga, Akhrinta 1aad Dib ugu Noqoshada Miisanaiyadda 2019-ka iyo Qeybinta Axdiga Ilaalinta Hanti-dhaqameedka Xilliyada Coladaha.
Ugu Horreyntii Xildhibaanada Golaha Shacabka Ayaa Cod u Qaaday Xubinimada Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka (Aadan Cabdinaasir Maxamed) Waxana u Codeysey 143 XildhibanMajirin Waxa Diiday iyo Wax Ka Aamusay.
Aadan Cabdinaasir Maxamed oo si rasmi ah u buuxiyay xubin ka banaaneyd guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa u mahad celiyay guddoonka iyo xildhibaanada golaha kalsoonida ay siiyeen.
Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Akhrinta 2-aad marsiiyay Hindise sharciyeedka maamulka dakhliga Dalka,waxaana golaha sharcigan iyo marxalidihii kala duwanaa ee uu soo maray u akhriyay guddoomiyaha gudiga maaliyada,qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji oo sidoo kale golaha ka codsaday in ay ansixiyaan.
Ugu dambeyn xildhibaan ayaa cod u qaaday sharcigan ka dib markii dooda xildhibaanda ay u badatay in cod la geliyo ,waxaana natiijada codeynta ku dhowaaqay shir guddoonka kulanka Cabdiwali sheikh Ibraahim Muudey.
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda looga baahanyahay in ay cadeyso xuquuqaad uu sheegay in ay ka maqanyihiin xildhibaano.
Sidoo kale mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda ayaa golaha maanta usoo gudbiyay Akhrinta koowaad ee dib ugu noqoshada miisaaniyadda sanadka 2019,waxaana mudanayaasha golaha u faah faahiyay wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim.
Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in madaxda wasaaradda maaliyadda looga baahanyahay in ay golaha hor yimaadaan si loo weydiiyo su’aalo ay mudanayaasha golaha u qabaan,si wax badan looga ogaado howlaha wasaaradda maaliyadda,waxaana sidoo kale mudanayaasha golaha loo qeybiyay Axdiga Ilaalinta Hanti dhaqameedka xiliyada colaadaha.