Wararka
Madaxweynaha dalka oo shir kaga qayb gali doona dalka Ruushka.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u amba-baxay dalka Ruushka halkaas oo uu ugu qayb gali doona Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika oo lagu wado in ay socon doonta inta dhexaysa 23-ka ilaa 24-ka bishan.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa safarkaan ku wehlinaayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).
Kulankaan oo ka qabsoomi doona magaalada Sochi ayaa waxaa ka qayb galaayo hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo Ruushka, dhaqaaleyahanno calami ah, Shirkado waaweyn oo dhanka maalgashiga ah iyo Golaha Guud ee Ururka Midowga Afrika.
Kulankaan ayaa inta uu socda waxaa ay masuuliyiinta kala duwan ka arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, dagaalka ka dhanka ah waxa looogu yeera argagixisada, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada.
Madaxweynaha dalka iyo wafdiga uu hoggaaminaayo ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Sochi ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan madaxda kasoo qeyb galaysa madashan.