Wararka
Madaxweyne Biixi oo ka qayb galay aas loo sameeyay Allah Unaxariistee Marxuum Cabdilaahi Cige Muuse (Obsi).

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qayb-galay aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Cabdilaahi Cige Muuse (Obsi) oo lagu aasay Xabaalaha Sheekh Nuur ee Barriga Hargeysa ka dib markii lagaga tukaday salaada jinaasada masjidka tabliiqiyiinta ee Hargeysa.
Waxaana Aaska Marxuumka ka soo qayb-galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Madaxweyne Biixi, odayaasha dhaqanka,iyo bulshada qaybahooda kala duwan oo dhamaantood ka markhaati kacay shaqsiyadii wanaagsanayd ee uu lahaa marxuumku.
Marxuum Cabdilaahi Cige Muuse (Obsi) ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Hargaysa ee caasimada maamulka Somaliland.