Wararka
Ra’iisal wasaare Khayre oo kulan la qaatay madaxweynaha banngiga adduunka.

Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xassan cali Khayre ayaa maanta kulan magaaalada Washington kula yeeshay madaxweynaha banngiga adduunka ee World Bank David Malpass.
Kulanka uu ra’iisal wasaare Khayre la qaatay madaxweynaha bangiga adduunka ee David Malpass ayaa ku saabsanaa dibuhabaynta dhaqaalaha iyo deyn cafinta dalka waxaa uuna kulama hore la qaatay madaxdqa WorldBank iyo IMF-ta.
Ra’iisal wasaaraha dalka Xassan Cali Khayre ayaa u mahadceliyay madaxweynaha bangiga adduunka ee David Malpass waxaa uuna timaamay sida ay madaxda dalka ugu go’antahay in dalka laga cafiyo gabi ahaanba diimaha lagu leeyay.
Kulankaan ayaa kusoo aadaayo iyadoo loo balansan yahay hadal jeedinta Ra’iisal wasaare Khayre ee Shirka sanadlaha ah ee heerkiisu sarreeyo oo ay isugu imaaniyaan madax ka kala socota caalamka.