Wararka

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo Khudbad ka jeediyay shirka miiska wareegsan ee Bangiga adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa Magaalada Washington DC ee Caasimadda Dalka Mareykanka uga qeyb galay shirka miiska wareegsan ee Bangiga adduunka iyo hey’adda Lacagta Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Xassan Cali Khayre ayaa kulanka kaga hadlay guulaha laga gaaray qorshaha deyn cafinta Dalka iyo sida ay Dowladda Soomaaliya uga qo’antahay buuxinta sharuudaha ku xiran in Dalka deynta laga cafiyo.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Dowladda Ingiriiska ayaa xubnihii ka qeyb galay waxay isla qiree in Soomaaliya ay gaartay guula muhiim u ah mustaqbalka Dalka iyo gaaridda barta go’aanka ee deyn cafinta Dalka, waxa ayna ballan qaadeen in ay sii wadayaan taageerada iyo Garab istaagga Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

   

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close