Wararka

Madaxweyne Trump oo Turkiga iyo Kurdiyiinta ku tilmaamay caruur dagaal u heelan.

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa isku fasaxay dowlada Turkiga iyo kurdiyiinta Suuriya in ay dagaalamaan waxaa uuna sheegay in Turkiga iyo Kurdiyiinta ay u dhaqmayaan sida caruur u baahan in ay dagaalamaan.

Madaxweynaha oo ka hadlaayay goob fagaara ah oo uu ka waday ololaha doorashada madaxtanimada ee soo socota ayaa waxaa uu sheegay in uu isku fasaxaayo labadaan dhinac kadib marka ay kala daalan uu kala dhex dhexaadin doona.

Arrinkaan ayaa imaanayo iyadoo madax kasocota dowlada Maraykanka oo uu hoggaaminayo madaxweyna ku-xigeenka Maraykanka Mike Pence uu heshiis ku meel gaar la gaaray madaxweynaha dalka Turkiga kaas oo ku saabsan in la joojiyo dagaalka ka socda waqooyiga suuriya.

Kudhawaad 200 oo shacab ah ayaa ku bara kacay dagaalkaasi u dhaxeeyo dowlada Turkiga iyo Kurdiyiinta Suuriyo waxaana sidoo kale ku dhintay boqolaal kale.

Dowlada Maraykanka ayaa dhawaan ciidamadeeda oo gaarayo 1,000 (kun) askari kala baxday gobolka Kurdiyiinta waxaana lagu dhaleecaynayaa in ay garabkii ay siini jireen Kurdiyiinta kala laabteen kadib markii ay danahooda ka fushadeen.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close