Wararka
Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida oo fursad kale siisay Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas.

Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas, Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale) iyo Nuur Ibraahim Mahad-Alle oo labadaba lagu haysto eedeymo la xiriira Qarax uu ku dhintay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha Amniga iyo Siyaasadda degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Rashiisd Cusmaan Cabdi.
Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa ugu horeen u akhrisay eedeysanayaasha danbiyada ay usoo jeedisay xafiiska xeer ilaalinta cidamada qalabka sida iyadoo fursad u siisay siisay in ay ka jawaab celiyaan eedeeymahaas.
Maxkamada waxaa xaadir ku ahaa marqaatiyo goob jog u ahaa wixii dhacay waxaana si iskumid ah loo waydiiyay su’aallo.
Eedeysane Nuur Ibraahim Mahad-Alle oo maxkamada ka hor hadlay ayaa ka waramay doorkii uu kulahaa qaraxii lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha Amniga iyo Siyaasadda degmada Maxaas Rashiisd Cusmaan Cabdi oo 19-kii bishii Afaraad lagu dilay degmada Maxaas.
Qareenka u doodaayay eedeysane Ex-Guddoomiyihii degmada Maxaas ayaa codsaday in wakhti dheer la siiyo si ay ugu soo jawaabaan eedeymaha loo haysto Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale).
Guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad e ciidamada qalabjka sida Gashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga maxkamada waxaa uuna dhinacyada ay quseyso kiiskaan u sheegay in dib la’iskuugu soo noqon doona iyadoo la tixgalinaayo codsiga qareenada u doodaayo eedeysanayaasha.
Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas, Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale) ayaa xilka laga qaaday 29-kii bishii taayta waxaana xil ka qaadista kusameeyay kusameeyay wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle.