Wararka

Madaxweyne Biixi oo guddoomiyay kulanka golaha wasiirradda maamulkaasi.

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shir guddoomiyay Kal-fadhigii 44-aad ee golaha wasiirradda oo manta lagu siyaasadda shaqo carbinta iyo warbixinno laga dhagaystay xubno kamid ah golaha wasiirrada.

wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo ugu horrayn warbixin la xeriirta xaaladaha amaan ee deeganada maamulka Soomaaliland ayaa ku dheeraday xaaladda guud ee nabadgelyada Soomaaliland.

Sidoo kale, waxa goluhu dood dheer iyo falanqayn ka yeesheen wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka shaqaalaha rayidka ah xeer Lr.31-2004 oo mar kale loo ballamay ansixintiisa.

Golaha wasiirradda Soomaaliland ayaa sidoo kale ansixiyey siyaasadda shaqo carbinta oo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska waxaana Ugu danbayn golaha lagu soo bandhigay hirgelinta nidaamka wax wada lahaanshaha dawladda iyo shacabka (public private partnership) “PPP”, waxaanu goluhu u saaray guddi soo diyaarisa.Image may contain: one or more people, people sitting, suit and indoorImage may contain: 5 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 5 people, people sitting, table, office and indoorImage may contain: one or more people and people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close