Wararka
Wasiirka Wasaradda Badroolka Soomaaliya oo dalka Hindiya kaga qayb galay shir caalami ah.

Wasiirka Wasaradda Badroolka iyo Macdanta Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa Magaalada New Delhi ee Dalka Hindiya kaga qeybgalay shirka tamarta ee Hindiya oo looyaqano CERAWEEK waxaana kulankaasi ku wehlinayay Danjiraha Soomaaliya u fadhida Dalka Hindiya, Faadumo C/laahi Maxamuud Insaaniya iyo lataliyaasha Wasaaradda Badroolka iyo Macdanta.
Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda IHS MARKIT, waxana sidoo kale ka qeyb galay Dalalka Soomaaliya iyo Maraykanka oo shirka lagu casuumay hay’addo iyo shirkado Caalami ah.
Shirka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlayay Tamarta iyo guud ahaan qeyaraadka kala duwan ee Dal kasta.
Wasiirka Badaroolka iyo Macdanta C/rashiid maxamed Axmed ayaa qudbad ka jeediyay inta uu socday shirka waxaa uuna ka hadlay qaabka Soomaaliya uga faa’iideysankarto iyo sida shirkadaha iyo dawladaha kalke ee caalamka ay umaal gashankaraan Soomaaliya waxa uuna warbixin fiican ka siyay xaladda Soomaaliya.
Dhanka kale Wasiirka ayaa kulan laqaatay Wasiirka Badroolka iyo Gaaska dabiiciga ah DHARMENDRA PRADHAN waxa ayna ka wadahadleen sida ay dowlada Hindiya uga gacansiin lahed tabarida shaqalaha iyo in ay yeshaan wada shaqayn dhaw.
Sido kale Wasiirka iyo Wafdiga lasocday ayaa waxa ay kulan laqateen masuuliyiin ka socotay Wasaaradda tamarta ee Marekanka waxyabo badan ayaana looga wadahadlay kullankaas.