Wararka
(DHAGAYSO):Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo dib u helay xoriyadiisa.

Maxkamada Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa maanta siidaysay siyaasi Muuse Cali Jaamac oo maalmo ka hor lagu xiray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Warar aan ka helnay saraakiisha maxkamada ayaa inoo xaqiijiyey siidaynta siyaasiga.
Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee degmada Boosaaso Abukar Cabdinuur Jaamac oo la hadlay mid ka mid ah warbaahinada ka howlgala Puntland ayaa sheegay in dib xorriyaddiisa loogu celiyay siyaasi Muuse Cali Jaamac.