Wararka

KU DHAWAAD 30-GAADIID AH OO SIDDAY XAABO OO LAGU SOO QAB-QABTAY MAGALADA GAROWE.

Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay 30-gaadiid ah oo waddo xaabada dabka lagu shito kuwaasi oo Ciidanka Amnigu ay soo qabteen xilli ay soo galayeen Magaalada, Talaabadaan ayaana timid kadib markii Wasaaradda Deegaanku ay dhawaan mamnuucday Jarida dhirta iyo ka ganacsiga xaabadda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka maamulka Puntland Cabdicasiis Nuur Cilmi (koor) oo goobta gaadiidkaan lagu soo bandhigay warbaahinta kula hadlay ayaa uga horeyn u mahad celiyey cid kasto oo gacan ka geysatay qabashada Gaadiidkaan Gaar ahaan Ciidanka deegaanka.

Cabdicasiis Nuur Cilmi (koor), Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka  Puntland ayaa sheegay in wasaarada deegaanka Puntland horey u joojisay isticmaalka Dhuxusha xaabada Bedelkeedana ay shacabka istcmaalaan agab horey wasaarada uga diyaarisay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close