Wararka

(DAAWO): Guddoomiyaha Gobolka Banadir oo kulan la yeeshay  safiirka midowga yurub u fadhiya Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta aqalka dowlada hoose Xamar ku qaabilay safiirka midowga yurub u fadhiya Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez.

Kulanka ay labada masuul yeesheen ayaa waxaa looga hadlay shaqa Abuurka dhallinyarada, arimaha laxariira maareenta dadka barakacayaasha iyo sidii loo fulin lahaa mashaariic lagu horumarinaayo adeegyada aas aasiga ah ee laga hirgalinaayo degmooyinka gobolka banaadir si bulshada loogu dhaweeyo adeegyada ay u baahan yihiin.

Safiirka midowga yurub ee Soomaaliya iyo duqa magaalada Muqdisho ayaa kormeeray waxaaha kala duwan ee dowlada hoose iyagoo u kuur galaaya shaqooyinka kala duwan ee maalinlaha ah oo ay dowlada hoose Xamar u qabato bulshada Caasimadda waxeyna maasuuliyiinta kormeerka sameynayay ku dhiiragalinayeen in si hufan shacabka loogu qidmeeyo, sidoo kale madaxda ayaa kormeeray hoolka shirarka oo dayactir lagu sameeyay kadib qaraxii 24-July ka dhacay xaruntaas oo uu ku dhinaty guddoomiyihii hore ee Gobolka Allah U naxariiste Eng.Yarisow.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close