Wararka
Qaar kamid ah wafdigii ka qayb galay caleema saarka madaxweynaha Jubbaland oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Ahmed Mohamed Islaam Ahmed madoobe ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusa gootiyay qaar kamid ah wafdigii ka qaybgalay Caleemo saarkiisa.
Wafdiga maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho waxaa kamid ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), hoggaamiyayaasha Xisbiyada dalka oo ay ugu horeeyaan Madaxweyniyaashii hore ee dalka Xassan Sheeq Maxamuud iyo Shariif Sheeq Ahmed.
Ka hor inta aysan wafdigaan kasoo amba.bixin Magaalada Kismayo ayaa waxaa ay ka qayb galeen xarig jarka qaybo cusub oo kordhiyay Madaxtooyada Jubbaland. Sidoo kale madaxweynihii hore ee dalka Xassan Sheeq Maxamuud ayaa xaronta madaxtooyada Jubbaland ku beeray geedka Nabada.