Wararka
Gudoomiyaha golaha Aqalka Sare oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagay Tiiranyadii 14-kii October.

Gudoomiyaha golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed la Wadaagay Xusuusta Dhibaatadii ka dhacday isgoyska soobe ee magaalada muqdisho.
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Tacsi u Dirayo shaacbkii Soomaaliyeed ee ehelkood ku dhinteen iyo kuwii hantidooda uga baaba’aday Qaraxii Soobe, wuxuuna Eebe uga baryay dadkii ku dhintay in uu naxariistii jano ka waraabiyo.
Qaraxii Soobe oo dhacay 14-kii bishii October 2017-kii ayaa shacabka Soomaaliyeed ku reebay xasuus aan marnaba go’I doonin waxaana qaraxaasi la sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad toddoba boqol oo ruux sidoo kalena ay ku dhaawacmeyn in ka badan kun ruux.