Wararka

Wasiirka waxbarashada oo sheegay in ay waxbarasho lacag la’aan ah siiyeen 1,547cunig kadib qaraxii Soobe.

Wasiirka waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliyeed  Cabdullahi Godax Barre ayaa maanta ka warbixiyay balanqaadkii  Ra’isul Wasaaraha XFS ee ku aaddanaa in lasiiyo waxbarasho lacag la’aan ah dhammaan carruurta ay dhaleen dadkii ku waxyeeloobay musiibadii 14-ka October ee ka dhacday Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Cabdullahi Godax Barre Wasiirka waxbarashada dalka ayaa sheegay in ay waxbarasha iyo daryeel siiyeen caruur gaarayso 1,547 cunig kuwaas oo waalidkoodu ku waxyeeloobay qaraxii dhacay 14-kii October 2017-kii.

“Haddaba, annagoo fulinayna ballan-qaadkii Ra’isul Wasaaraha XFS ee ku aaddanaa in lasiiyo waxbarasho lacag la’aan ah dhammaan carruurta ay dhaleen dadkii ku waxyeeloobay musiibadii qaran ee Soobe, ayaa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay siisay waxbarasho lacag la’aan iyo daryeel, carruurtaas oo tiradoodu gaareyso 1,547 carruur”. Ayuuru wasiirka waxbarashada dalka.

Wasiirka waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliyeed  Cabdullahi Godax Barre ayaa ugu danbeyntii umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay usoo duceeyaan dadkii naftooda ku waayay qaraxii Soobe, garab iyo ehelna u noqdaan dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay.

“Waxaan ku baraarujinayaa dhammaan ummadda Soomaalida meel walba ay dunida ka joogaan in ay u soo duceeyaan shuhaddadii naftooda ku waayay qaraxii Soobe, garab iyo ehelna u noqdaan dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay”. Ayuu hadalkiisa si raaciyay wasiir Godax.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close