Wararka
Xildhibaan Aadan Barre Ducaale “Waxaa ay qasab nagu tahay in danaha amaanka qarankeena ku xiran yahay Jubbaland”

Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo ka qeyb galay Xafladda caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedyadda Jubbaland Axmed maxamed islaam Axmed Madoowe ayaa sheegay in Dowladda Kenya iyo Jubbaland uu ka dhaxeeyo xiriir gaar ah.
Waxaa uu sheegay in dowladda Kenya iyo Jubbaland ay ka wada shaqeeyaan Ammaanka Xadka ay wadaaggaan labada dhinac. Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in dowladda Kenya ay hambalyo u dirayso Madaxweynaha dowlad goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo si wanaagsan uga shaqeeyay Ammaanka Xadka Jubbaland iyo Kenya.
Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Kenya ay tahay gurigii labaad ee shacabka Soonaalida waxaa uuna tilmaamay in dowlada Kenya ay tahay dowlada Kaliya ee magangalyada siisay kumanaan shacab qaxooti Soomaaliyeed.
“Waxaa laga yabaa in aad ay is waydiinayaan Kenya interest-tigeeda muxuu yahay? Anaga Interest kala ma qabno. Interest-gayna waxaa waaye Soomaaliya oo nabad ah oo dagan. Seddeed boqol oo KM oo xadduud ah baan la leenahay Jubbaland. Waxaa ay qasab nagu tahay in danaha amaanka qarankeena ku xiran yahay Jubbaland”. Ayuu yiri xildhibaan Aadan Barre Ducaale.