Wararka

Madaxweynaha dalka oo dhambaal hambalyo oo ku aadan Munaasabada Maalinta calanka dalka u diray shacabka Soomaaliyed.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safar laba maalin qaatay oo uu ku tagay dalka itoobiya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar.

Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa sheegay in Maalinta Calanku ay muhiimad weyn u leedahay Soomaaliya maaddaama oo ay ku beegan tahay markii la taagay Calankii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey oo xor ah sannadkii 1954.

“Maanta waa maalin weyn. Waxa ay ku beegan tahay markii 65 sanno ka hor la taagay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka ummadda Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo gashay sidii ay xornimadeeda u hanan lahayd, calan xor ahna u yeellan lahayd.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan sidii ay ula soo noqon lahaayeen dowladnimadii, sharafkii iyo qabkii Soomaaliyeed ugana bixi lahaayeen qoqobka iyo qabyaaladda.

“Munaasabaddan qiimaha leh darteed, waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay dhexda u xirtaan dib u dhiska dalka iyo dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya si calankeennu mar labaad u noqdo mid ka dhex sharfan adduunweynaha.” Ayuu yiri madaxweynaha dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay sidii waddanka looga hirgelin lahaa nidaam dowladnimo oo ay ku soo hirtaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo in la soo celiyo sharafkii uu calanka Soomaaliyeed  lahaa.Image may contain: 3 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 2 people, people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close