Wararka
Munasabada caleema saarka madaxweynaha Jubbaland oo Kismayo kasocota.

Magaalada Kismaayo waxaa kasocota xaflada caleema saarka madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Ahmed Mohamed Islam Ahmed Madoobe waxaan howlka caleema saarka kusugan masuuliyiin, siyaasiyiin horey xilal ugu soo qabatay dowlada Soomaaliya, qaar kamid ah madaxda xisbiyada dalka iyo marti ka socota dowlada Kenya oo uu hogaaminayo Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale.
Dowlada Soomaaliya ayaa horaan ugu gacan seertay doorashadii ka dhacday magaalada Kismayo iyadoo sheegtay in doorashadaasi aan loo marin hab sharci ah waxaa ayna dhawaan soo saartay wasaaradda arrimaha guddaha xukuumada federaalka Soomaaliya hab raaca cusub ee doorashada madaxweynanimo ee Jubbaland.
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dhankiisa ku gacan saaray baaqa ugu yimid dowlada Federaalka ee ku aadan in dib loogu laabta doorashada dowlad goboleedkaasi waxaa ayna cadeeyeen in madaxweynaha xaqa yahay madaxweyne Ahmed Islam.