Wararka

DEG DEG: MARKAB UU LEEYAHAY IIRAN OO GANTAAL LALA HALEELAY.

Markab shidaal oo laga leeyahay dalka Iirana ayaa lasoo sheegayaa in maanta lala haleelay gantaal isagoo maraayay xeebaha dalka Sacuudiga.

Kambaniga leh mulkida markabkaan shidaal ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in markabka ay haleeleen laba gantaal oo isdaba Joog ah xili uu maraayay meel 100KM (60 Miles) u jirta dekedda caasimada Jeddah ee Sacuudi Carabiya.

Kambaniga ayaa sidoo kale cadeeyay in shaqaalihii iyo shidaalkii saarnaa markabka ay yihiin kuwa nabdoon waxaa ayna intaasi raaciyiin in ay hadda hagaajin ku socota waxyeelada soo gaartay markabka.

Arrinkaan ayaa kusoo aadayo iyadoo Bilihii lasoo dhaafay ay xurguf siyaasadeed ka dhex jirto dowladaha Sacuudiga iyo Iiran iyadoo ay ugu danbaysay weerarkii loogaystay Kaalimihii shidaalka ee Sacuudiga oo ay dowlada Sacuudiga ku eedeysay in ay weerarkaasi ka danbaysay dowlada Iiran.Image may contain: sky and outdoorImage may contain: ocean, sky, outdoor and water

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close