Wararka

maxaad kala socotaa siyaasiyiinta maanta gaartay Kismaayo?

Magaalada Kismayo ee xarunta kumeel gaarka u ah dowlad goboleedka Jubbaland waxaa gaaray wafuud isugu jira masuuliyiin, qaar kamid ah madaxda Xisbiyada siyaasadda dalka oo ay kamid yihiin madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheeq Ahmed iyo Hassan Sheeq Mohamed iyo Xildhibaanno ka socday labada Golle ee Baarlamaanka DFS.

madaxda iyo masuuliyinta maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa u jeedkooda waxaa uu yahay sidii ay ugu qayb gali lahaayeen munasabada caleema saarka madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

dowlada Soomaaliya ayaa si cad ugu soo horjeesatay doorashadii ka dhacday magalada Kismaayo ee caasimada KMG u ah dowlad goboleedkaasi Jubbaland oo madaxweyne Ahmed ISlam mar kale lagu doortay waxa ayna asbuucaan dhexdiisa soo saartay hab-raaca doorasha Jubbaland loo mari doona inkastoo maamulka Ahmed Madoobe kasoo horjaystay habraacaasi.Image may contain: 4 people, people smiling, people standingImage may contain: 8 people, people smiling, people standing, suit and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, people standing, beard and outdoorImage may contain: 3 people, people sitting, living room and indoorImage may contain: 5 people, people smiling, people standing and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close