Wararka
waa maxay ujeedka socdaalka madaxweyne Farmaajo ee uu u tagay dalka Itobiya?

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta galinkii danbe safar shaqo ku tagya magaalada Addis Ababa ee casimada dowlad Itoobiya.
socdaalka madaxweynaha ayaa ka danbaysay kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Axmed.
madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa inta ay kusugan yihiin caasimada Addis Ababa waxaa ay kulamo la qaadan doonaan madaxda ugu sarayso dowlada Itoobiya iyagoo kala hadli doona sidii loo dakeyn lahaa xiriirka labada dal iyo guud ahaan xaaladda iskaashiga gobolka ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.
madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa socdaalka kuwehlinaayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Mahad Ciise Cawa, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Cabdullaahi Sheekh Cali iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka waxaana si diiran garoonka diyaaradaha ee Bole kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Axmed iyo masuuliyin kale.