Wararka
Madaxweyne Deni oo dib ugu laabtay Magaalada Garowe.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Garowe ee caasimada dowlad Goboleedkaasi Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa uu ku sugnaa Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari oo intii uu joogay uu kormeer kusameeyay qaybo badan oo kamid ah xarumaha dowlad goboleedka sidoo kalena kulankii Golaha wasiirada ee Puntland ayaa ka dhacay intii uu madaxweynaha kusugnaa Magaalada Boosaaso.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii uu soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, waxaa soo dhaweeyeen heer sare ah madaxweynaha iyo wafdigiisa u sameeyay xubno ka tirsan labada gole ee dowlad Goboleedka Puntland iyo masuuliyiinta heer gobol iyo degmo.