Wararka
Wasiirka wasaaradda maaliyadda XFS oo sheegay in maalinimada baritoole ah oo qaban doona kulan uu kusoo bandhigaayo miisaniyadda 2020.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa maanta Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay hab ay wasaaradda maaliyadda ula wadagi karaan wixii aragti ah ama sual ah oo ay qabaan taas oo ku aadan arrimaha dhaqaalaha dalka.
Wasiirka ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ogaysiiyay in maalinimada Baritoole uu qaban doona kulan uu kusoo bandhigaayo miisaaniyadda 2020 sidoo kalena uu ugu warbixin doona miisaniyadii 2019-ka.
Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle Wasiirka maaliyadda XFS ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimada ay u leedahay in Shacabka Soomaaliyeed ay lasoo wadaagaan arragtidooda maadama aysan u suurta galaynin in ay yimaadaan goobta ay wasaaradda maaliyadda kusoo bandhigeyso miisaaniyadda 2020.