Wararka
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo kulan la qaatay safiirka dalka Sweden u jooga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka iyo consulka dalka Sweden u jooga Soomaaliya waxaa uuna kala hadlay dardargelinta mashaaricda taakuleynta boliiska Soomaaliyeed.
War-qoraal ah oo ay barteeda baraha Bulshada Soo dhigtay Taliye-ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed Gen. Zakia Hussen ayay kaga hadashay waxyaabihii kulanka looga hadlay iyo kamid Noqoshaha Booliska Soomaaliyeed uu ka midka noqday Ciidanka Boliiska Afrika ee AFRIPOL.
“Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka iyo consulka dalka Sweden asigoo kala hadlay dardargelinta mashaaricda taakuleynta boliiska. Taliska Booliiska waxuu ku howlahanyahay dib usoo nooleynta xiriirka iyo wadashaqeynta caalamka iyadoo dhawaan Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ka mid noqday Ciidanka Boliiska Afrika ee AFRIPOL”. Ayay Tiri Gen. Zakia Hussein.