Wararka
Wasiirka dastuurka XFS oo kulan la qaatay safiirka Sweden Staffan Tillander.

Wasiirka wasaaradda dastuurka xukuumada federaalka Soomaaliya Saalax Ahmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka dalka Sweden u jooga Soomaaliya Staffan Tillander.
Intii uu socday kulanka ayaa labada masuul waxaa ay iska Gorfeeyeen sida beesha caalamka gaar ahaan Dowladda Sweden ay uga qayb qaadan karto geedi socodka dowlad dhisidda soomaaliya sida Dib u-eegista Dastuurka.
Dowlada Sweden ayaa kamid ah deeq bixiyayaasha beesha caalamka waxaa ayna door ka qaadataa dhisida dowlad Nimada Soomaaliya.