Wararka

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka qayb galay 30 sano guuradii kasoo wareegatay midowgii  labadii Germeny.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa Muqdisho uga qayb galay munaasabad lagu xusayay midowgii  labadii Germeny ay ku midoobeen hal dowlad iyo hal calan 3-dii bishii October 1990.

Sanad waliba maanta oo kale ayaa adduunka laga xusaa munasabada midowga labada Jarmal, ra’iisal wasaare Khayre ayaana Jarmalka ugu hambalyeeyey sonddon sana Guuradooda kasoo wareegatay midowgooda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay Germany ka baranayaan sida qaran loo mideeyo xilliga ay adagtahay, sida dhibaatooyinkii dhacay loogu bedelo mustaqbal barwaaqeysan, qorshaha dadka leesugu keeno, looguna sameeyo bilaaw cusub oo wanaagsan, khibradda federaalka, qaybsiga kheyraadka iyo dhismaha hannaanka looga gudbo kala qaybsanaan soddon sano jirsatay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close