Wararka
Miisaniyadda Wasiirka waxbarashada oo sare loo qaadaayo.
Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta ka qeyb-galay soo jeedinta miisaaniyadda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee sannadka 2020, oo ay soo jeedintiidu marti-gelisay Wasaaradda Maaliyadda.
Inta kulankaasi uu socday wax yaabihii lagu heshiiyay waxaa kamid ah, in sannad kasta miisaaniyaddeeda wasaaradda waxbarashada eek or loogu qaadaayo tayada waxbarashada dalka la kordhiyo.
Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa bogaadiyay Talaabada loo qaday Horumarinta Tayeynta waxbarashada dalka.
“Waxaan maanta soo jeedinnay miisaaniyadda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee sannadka 2020, soo jeedinta waxaa marti-gelisay Wasaaradda Maaliyadda. Tan iyo xilligii la doortay Xukuumadda Nabad iyo Nolol, waxaa ay xoogga saartay horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dalka. Daryeelka waxbarashada waxyaabaha lagu muujiyay waxaa kamid ah in sannad kasta miisaaniyaddeeda la kordhiyo”. Ayuu yiri wasiirka waxbarashada dalka.