Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo wafdi uu hoggaainaayo oo soo gaaray Muqdisho.

Waxaa maanta Magaalada Mugdisho ee caasimada dalka soo gaaray wafdi uu hogaamiyaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad waxaana garoonka diyaaraaha Aadan Cadde si diiran ugu  soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo dhiggiisa Jabuuti Maxamed Cali Xumad ayaa goor dhow la filayaa inay gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo ay si wadajir ah uga qayb galayaan furitaanka kulanka Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Booqashada Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa qaadan doonta dhowr maalmood, isagoo ka qayb geli doona Kalfadhiyada Baarlamaanada Federaalka Soomaaliya iyo kan Koonfur Galbeed oo todobaadkan furmaya,Guddoomiye Mursal ayaa waxaa safarkiisa Baydhabo ku wehliya Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiiro.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close