Wararka
Xildhibaan Jeesow “Dalkaan danbi baa ka dhacay”.

Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow oo kamid ah xildhibaanada golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul ugu hadlay diyaaraddii shalay ka dagtay Garoonka diyaaradaha ee Kismayo taas oo siday siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynayaashi hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug kuwaas oo Kismaayo u tagay sidii ay ugu qayb gali lahayeen xaflada caleema saarka madaxweynaha Jubbaland oo lagu wada in mar dhaw la qabto.
Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in dalka uu ka dhacay danbi diyaaradii shalayna ay kusoo xad gudubtay hawada dalka Soomaaliya waxaa uuna intaasi ku daray in falka ay shalay diyaaradaasi ay samaysay uu ugu daran yahay danbiyada Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay xildhibaanka.
“Dalkaan danbi baa ka dhacay,diyaarad khayrul sharci ah, aan saadasha hawada lasocon ,hawadeynii kusoo xad gudubtay ee hawadeyna dadka umada ah ee ku safraayay hawadayna Qatar galisay, kaliya Soomaali ma ahan waxa la qal-qal galiyay dhamaan beesha caalamka waa la qal-qal galiyay” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.