Wararka
Wasiirkii amnigaa Jubbaland oo Maanta la horgeeyay Maxkamadda Gobalka Banaadir.

Sida lagu qoray wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Cabdirashiid Xasan Cabdi-Nuur (Janan ) oo ahaa wasiirkii amniga Jubbaland iyo Buulle Aadan Maxamed oo ahaa taliyihii Ciidamo ka howl geli jiray Doolow iyo Beled Xaawo oo loo wada heysto taciyaddo ka dhacay Gobalka Gedo ayaa maanta la hor geeyay Maxkamadda Gobalka Banaadir.
Cabdirashiid Xasan CabdiNuur (Janan ) ayaa Bishii hore Ciidanka Booliska Soomaaliyeed soo qabteen isaga oo socdaal ku marayay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday dalka Itoobiya.
Booliska dalka ayaa sheegay in eedaha loo haysto Wasiirkii Amniga Jubbaland soo dhameystirayso Waaxda dambi barista Booliiska ee C.I.D-da.