Wararka
Madaxweynayaashi hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo gaaray Magalada Kismaayo.
Waxaa Magaalada Kismaayo ee caasimada kumeel gaarka u ah dowlad Goboleedka Jubbaland goor dhaweed gaaray Wafdi ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koofur Galbeed C/Karin Guuleed iyo Shariif Xasan waxaana Garoonka caalamiga ee Sayid Mohamed Abdullah Xassan ee Kismayo kusoo dhaweeyay madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaladn Mohamuud Sayid aadan iyo xildhibaanno katirsan dowlad Goboleedka Jubbaland.
Diyaaradda ay la socdeen siyaasiyiintaan ayaa toos uga timid caasimada Kenya ee Nairobi waxaana socdaalkooda Kismayo kuwehlinaayo sodomeeyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Socdaalka siyaasiyiintaan ayaa ku soo aadayo iyadoo asbuucaan dhexdiisa lafilaayo in Magalada Kismayo ay ka dhacdo xaflada caleema saarka madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Ahmed Mohamed Islam kaas oo ay doorashadiisa ka dhalatay muran badan.