Wararka

Magalada Baydhabo oo laga furay Shirka wadatashiga Iyo Dib-uheshiisiyiinta Bulshada Koonfur Galbed.

waxaa maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si rasmi ah ugu furmay Shirka wadatashiga Iyo Dib-uheshiisiyiinta Bulshada wada dagta deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirkaan oo uu daah furay Guddomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed ahna kusimaha Madaxweyanaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Abdulkaadir Sharif Sheekhuna Maye ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha hoose iyo Dib-uheshiisiyiinta KG.

Abdukaadir Shariif Sheekhuna Maye , ayaa ugu horeen umahadceliyay Wasiirka wasardda Arrimaha Gudaha KG , howsha wanaagsan uu haayo , si Bulshada Reer Kgs Dib uheshiisiyiin waraata Dhaxdooda Looga dhalliyo.

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGs ahna Guddomiyaha Baarlamanka DGKGS ayaa Bulshada kula dar daaramey in qeyb weyn ay ka qaataan Dib-uheshiisiyiinta, mudda Shanta Maalin uu socodo Shirkan in Afkaar saliim ah la isku dhaafsado.

“Dhibaatadii Dalka ka dhacdey waxaa looga soo Gudbey Wadatashi Isu tanaasul , oo Geed hoostiis Garta lagu dhameyn jirey, si aan uga gudubno Is qab qabsi iyo khilaafka daba dheeradey aan ku dhameyno Dib-uheshiisiyiin sal adag le. Ayuu yiri Abdulkaadir Sharif Sheekhuna Maye

Shirkaan ayaa Magalada Baydhabo kasocon doona ilaa 12-ka bishaan October waxaana ka qayb  ka ah kulanka Wasiiro Xilidhibaano, odayaasha Dhaqanka KG iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.Image may contain: 1 person, sittingImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 7 people, people smiling, people sittingImage may contain: 3 people, people sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close