Wararka

Soomaaliya oo markale maxkamada ICJ ka hor caddeysay in ay diyaar u tahay dhagaysiga kiiska badda muddadii loo asteeyay.

Wafdi uu hoggaaminaayay ra’isal wasaare ku-xigeenka xukuumada federaalka Soomaaliya Mahdi Mohamed Gulleed Khadar oo ku sugan dalka Holland ayaa maanta hortagay maxkamada caddaalada adduunka ee  ICJ kadib codsi ugu yimid masuuliyiinta maxkamada oo ua casuumtay xarunta maxkamada.

Ra’isal wasaare ku-xigeenka ayaa ka warbixiyay go’aanka dowlada iyo mowqifkooda waxaa uuna sheegay in dowlada Soomaaliya ay caddeysay in ay diyaar u tahay dhagaysiga maxkamada 4-ta bisha November ee soocota.

Dhanka kale masuuliyiin kasocotay dowlada Kenya oo uu ugu horeeyo garyaqaanka guud ee dalkaasi ayaa iyaguna doodooda ka dhiibtay kulanka waxaa uuna ra’isal wasaare ku xigeenka dalka sheegay in wixii hadda ka bilawday ay ka war-sugi doonaan waxa kasoo yeera maxkamada caddaalada adduunka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close