Wararka

Xukuumada Cusub ee Suudan oo doonayso in laga qaado Liiska uu Maraykanka galiyay.

Kadib bilooyin ay xasilooni la’aan siyaasadeed kasocotay dalka Sudan taas oo sabab u aheyd xil ka qaadistii madaxweynihii dalkaasi Sudan Omar al-Bashir, ayaa waxaa masuuliyinta dalkaasi dalbanayaan in laga saaro Liiska waddamada waxa loogu yeera Argagixisada.

Masuuliyiinta Suudaan ayaa sheegay in arrinkaani uu Fursad u siin doona in sare u kaco dhaqaalaha Suudaan oo hoos u dhac ku yimid tan iyo Bishii April markii afgambi lagu sameeyay madaxweynihii dalka Suudaan Omar Hassan al-Bashir

Wasiirka arrimaha Guddaha dalka Suudan Abdalla Hamdok oo waraysi siiyay muuqbaahiyaha Alhurra TV maalinimadii taladada ayaa sheegay in dadaalka ugu horeeye ee ay bixinayso xukuumada cusub ee Suudan ay tahay in dalkaasi laga saarro Liiska Argagixisada.

“in Suudaan laga Qaaddo Liiska dowlada Maraykanka waxay fura u tahay dadaalka dowlada Cusub ee lagu disaayo dalka xiliga kala guurka” ayuu yiri  Abdalla Hamdok.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close