Wararka
Maraykanka oo markii ugu horeeysay safaaraddiisa dib ugu furtay Soomaaliya.
Dowlada Maraykanka ayaa markii ugu horeysay dib ugu furatay safaaraddii ay ku lahaayeen dalka Sooomaaliya ka dib muddo 30-sano ah ka hor oo ay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka daadgureysteen shaqalihii iyo diblomaasiyiintii ka joogay dalka.
War lagu daabacay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa lagu sheegay in furashada Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ay socoto ka dib markii sanadkii tagey la sameeyay dibolomaasiyiin Mareykan ah oo si joogto ah uga howlgala magaalada Muqdisho.
Safiirka Safaaradda Mareykanka ee Soomaali Donald Yamamoto ayaa sheegay in dib u furidda safaaradda ay tahay mid taariikhi ah iyo tallaabo kale oo loo qaaday xagga horumarka iyo xojinta xiriirka dibilomaasiyadeed.