Wararka
Madaxweyne Biixi oo guddoomiyay shirka golaha wasiirradda maamulkaasi.
Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta shir guddoominayey Kal-fadhigii 42-aad ee golaha wasiirradda maamulkaasi oo warbixina lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda iyo shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska.
Wasiirka maaliyadda Somaliland, ayaa golaha warbixin ka siiyey diyaarinta miisaaniyad sannadeedka 2020-ka, taasoo ay diyaarinteeda ku hawlantahay wasaaradda horumarinta maaliyaddu, isagoo ku dheeraaday wasiirku miisaaniyadda iyo qaybeheeda, si waafi ahna u sharraxay ahmiyadda weyn ee ay maamulka Somaliland u leedahay odoroska miisaaniyad sannadeedka 2020-ka oo siyaasaddeedu ku salaysnaan doonto mashaariic horumarineed oo waafaqsan qorshaha labaad ee horumarinta Somaliland.
Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, ayaa golaha u qaybisay nuqullada siyaasadda ee shaqo-carbinta oo ay soo diyaarisay wasaaraddaasi, iyadoo wasiirku sharraxaad ka siisay golaha muhiimadda siyaasadani u leedahay shaqo-carbinta iyo sida loogu dabbaqi doono.