Wararka

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo guddoomiyay shir looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shir looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka oo ay kasoo qayb galeen wakiillo ka socda wadamada deymaha ku leh Soomaaliya, Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka.

Kulankaan oo ahaa mid la isaga xog waryasanaayay heerka kala duwan ee uu soo maray qorshaha deynta looga cafinayo dalka oo meel wanaagsan maraya, iyo u diyaar garowga shirka sannadlaha ah ee dhacaya bishaan October.

Ka qayb galayaasha shirka oo kamid ah ergada shirka madasha iskaashiga Soomaaliya, ayaa ammaanay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’antahay ka guul gaaridda qorsha deyn cafinta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu cadyahay ajandaha muhiimka ah ee deyn cafinta dalka, uuna udud dhexaad u yahay dhammaan qorshaha dib-u-habeynta socota, dadka Soomaaliyeedna ay ku mideysanyihiin, aadna ugu reja weynyihiin in dalka deynta laga cafiyo maadaama ay aaminsanyihiin in dayn cafintu ay mawaadin kasta oo Soomaaliyeed dan u tahay, qaybna ay ka qaadaneyso horumarka iyo mustaqbalka dalka.

Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale u sheegay ka qayb galayaasha in Ganacsatada Soomaaliyeed ay bixiyeen canshuurtii ugu badneyd, dakhliga dalkuna uu kordhay arrintaas oo qeyb ka qaadatay horumarka la sameeyay.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close