Wararka
Madaxweyne Deni “Waxaan aad uga xunahay Shirka noocaas ah intaas le’eg, in Puntland aan laga tala galin”
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay magaalada Boosaaso bulshada gobolka Bari waxaana kulanka ku wehlinaayay Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland, Isimo, nabadoono, siyaasiyiin iyo boqolaal ka mida shacabka gobolka Bari.
Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyey shacabka gobolkaasi ee uu kulanka la qaatay, waxaa uu ka hadlay Madaxweynuhu waxqabadka Xukuumadda, hindisaha Dowladda ee horumarinta Puntland, muhiimadda shirkii maalgashi, mashariicda maalgashi ee ka bilaabanaaya Puntland, gaar ahaan Boosaaso iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay shirka madasha islaashiga Oo ay soo qaban qaabisay dowlada federalka ah ee Soomaaliya oo ay ka qayb galiyaan kudhawaad 50 dowladood waxaa uuna madaxweyne Deni sheegay in wax latashi ah lagala yeelan shirkaasi sidaasi darteetna uusan ka qayn gali doonin.
“Dawladda Puntland Shirkaas Kama aysan Qayb-galin, waxaan rabaa dadweynaha reer Puntland inaan halka kala wadaago sababaha kalifay in Puntland Ka qayb gali waydo, maadaama Puntland ay ahayd Hooyadii Faderaalka, Maadaama Puntland ahayd xubin aasaasi u ah Midnimada Soomaaliya iyo Federaalaynta, iyada iyo xubnaha kale ee dawladuhuna ay arrintaas kasimanyihiin.”
“Waxaan aad uga xunahay Shirka noocaas ah intaas le’eg, in Puntland aan laga tala galin in Puntland ay baraha bulshada ka aragtay ajandaha shirka iyo sida uu u dhiganyahay, in Puntland ay ka aragtay waxa loo yaqaan Communique ama wixii kasoo bixi lahaa shirka oo diyaarsan, waxaan ka xunahay markii aan hubsanay inay arrimahaas sidaas ujiraan oo aan talo kulahayn, oo waxa kasoo baxaya aan ra’yi kulahayn oo Puntland baahiyaheeda aan lawaydiinayn, oo idinkuba waa arki kartaane layiraahday waxaad kuleedihiin Shan daqiiqo oo dadka carabiga yaqaana layiraahdo “TACLIIQ” ama “REMARKS” Khudbad nin akhriyay ayaa shan daqiiqo idinkuna waxaad leedihiin inaad Comments ka bixisaan ama ka hadashaan, intaas in ay noqotay qiimihii Puntland laga dhigo aad baan uga xumaaday runtiina wax Puntland ay qaadan karto ma aha Bulshada Caalamka oo dhanna si cad ayay ugu cadaysay inaysan arrintaas raali ka ahayn” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.