Wararka
Madaxweyne Farnaajo oo magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) waxaa uuna wareegto ugu magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa beddalay Taliye Kuxigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Siciid Axmed Kadiye.
Sida lagu qoray bogga facebook-ga ee warbaahinta qaraxnka madaxweyne Farmaajo ayaa Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) u rajeeyey in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.
Sidoo kale qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dalka ayaa lagu yiri “Wareegtada Madaxweynaha oo salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta laamaha ammaanka ayaa dhaqan galaysa laga bilaabo caawa oo Talaado ah 01-da, Oktoobar 2019”.