Wararka

Amb. James Swan oo sheegay in dhamaadka shirka madasha wadatashiga Soomaaliya ay kasoo bixi doonan qodoba cad cad.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada midoobe u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo Magaalada Mugdisho kaga qayb galay Shirka caalamiga ah ee madasha wada-tashiga Soomaaliya iyo deeq bixiyaasha caalamka ayaa sheegay in dhamaadka shirkaan ay kasoo bixi doonaan qodob cad cad oo wax tar u leh dhismaha dowladnimo ee Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa maanta daah furay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Mohamed Guuleed Khadar waxaana kasoo qayb galay qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe.

Shirkaan oo socon doona laba maalin ayaa waxaa gabagabada kasoo qayb gali doona madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mohamed Cabdullahi Farmaajoo iyo Ra’iisal wasaaraha dalka Hassan Ali Khayre.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close