Wararka
Shirka madasha wada-tashiga Soomaaliya iyo deeq bixiyayaasha caalamka oo Muqdisho ka furmay.
Waxaa maanta Magaalada Mugdisho ka furmay shirka caalamiga ah ee madasha wada-tashiga Soomaaliya iyo deeq bixiyaasha caalamka oo ay kasoo qayb galeen qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumada federaalka Soomaaliya Mahdi Mohamed Gulled (khadar) ayaa daah furay shirka caalamiga ah ee madasha wada-tashiga Soomaaliya kaas oo horay loogu qabtay Magaalooyinka London iyo Brussels.
Shirkaan oo socon doona laba maalin ayaa looga hadli doonaa arrimaha Amaanka, Siyaasadda, dhaqaalaha iyo waliba deyn cafinta dalka waxaana lagu casuumay kudhawaad 50 dowladood iyo madax ka socota hay’addaha deeq bixiyayaasha caalamka.