Wararka
Shir heer caalami ah oo maanta ka furmaayo caasimada Muqdisho.
Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada muqdisho ee caasimada dalka uu ka furmo shirka caalamiga ah ee madasha wada-tashiga Soomaali (SPF) oo socon doona muddo laba maalin.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumada federaalka Soomaaliya Mahdi Mohamed Gulaid ayaa maanta daah furi doona shirka caalamiga ah ee madasha wada-tashiga Soomaali oo ay kasoo qayb gali doonaan in ka badan 50 dowladood.
Waa markii ugu horaysay oo shirkaan lagu qabto caasimada dalka waxaana markii hore lagu qaban jiray dowladaha Yurub waxaana inta uu socda looga hadli doonaa arrimaha Amaanka, ganacsiga, dhaqaalaha, Siyaasadda iyo waliba deyn cafinta.