Wararka
Maraykanka oo war kasoo saaray weerarkii Saldhigga Baledogle ee gobolka shabeelaha hoose.
Dowlada Maraykanka ayaa war-saxaafadeed kasoo saaraty weerarkii maanta ay Al-shabaab ku qaadeen Saldhigga Baledogle ee gobolka shabeelaha hoose kaas oo loo adeegsaday gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay iyo waliba weerar toos ah oo dabasocday qaraxa ka dib.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay dhamaan weeraradii maanta ka kala dhacay Magaalada Muqdisho iyo deegaanka Baledogle waxaana sidoo kale lagu amaanay ciidanka xoogga dalka oo iska cabin kusameeyay kooxdii weerarka soo qaaday sida lagu qoray war-saxaafadeedka.
“Dowladda Maraykanka waxa ay cambaareynaysa weerarrada maanta ka dhacay Baledogle iyo Muqdisho. Waxaan amaanayna ciidamada Soomaaliyeed oo ka hortagay weerarka lagu soo qaaday fariisiin ciidanka Soomaaliyeed uu ku lee yahay Baledogle ee gobolka shabeelaha hoose. Ciidanka oo ahaa mid fajignaan muujinaayo ayaa ku guuleystay in uu ka hortago wareerka fashilmey, oonan u oggolaanin kuwa weerarka soo qaaday inay jebiyaan darbiga difaaca ee saldhigga. Waxaan ku faraxsannahay in aysan jirin qasaara kasoo gaarey labadii weerar ciidanka xoogga dalka”
Sidoo kale dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in weerarka ay maanta Al-shabaab ku qaadeen Saldhiga ciidan uu ka turjumaayo in Al-Shabaab ay carqalad ku yihiin horumarka, nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya waxaa ayna dowlada Maraykanka mar kale Balan qaaday in dowlada kala shaqayn doonta la dagaalanka Al-shabaab.
“Weerarkan ayaa mar kale muujiyey in Al-Shabaab ay carqalad ku yihiin horumarka, nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya. Dowladda Maraykanka waxa ay xaqiijineysaa dadaalka xooggan ay siineyno dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anigo oo gacan ka geysaneyno dadaallada wadajirka ah taaso lagu doonaayo in logu baabi’iyo kooxaha argagixisada iyo dhisida dal xoog leh oo dadkiisa ku horseedo barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan” ayaa lagu Yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya.