Wararka
Guddoomiyaha Aqalka sare oo dowlada Shiinaha ugu hambalyeeyay 70 sano guuradii ka soo wareegtay xorriyaddoodi.
Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Abdi Hashi Abdullahi oo Khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 70 sano guuradii ka soo wareegtay xorriyadda dalka Shiinaha oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xeriirka Soo jireenka ah ee labada dal.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in xiligii kacaanka ay dowlada Shiinaha u raasteen aqoon iyo waaya aragnimo uu sheegay in ay ku guulaysteen isagoo sheegay in dowla Shiina ay mashaaric dhowr ah ka fulisay dalka Soomaaliya oo ay ugu horeeyo Tiyaatarka Qaranka, waddada Isku xirtay Waqooyi iyo Koonfur iyo warshaddii Sagaarka iyo Tarakha.
Abdi Hashi Abdullahi, Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowlada Shiinaha ku tilmaamay dal marka uu wax balan qaado oo fiya qabtana wax muuqda oo lo marqaati kaco.
Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa dowlada Shiinaha ku aamaanay dowrka ay ka qaadato kor u qaadista Tayayada Tacliinta dalka iyo deeqaha waxbarasha ee ay ugu deeqdo ardayda Soomaaliyeed waxaa uuna ugu danbeen u mahadceliyay safiirka Shiinaha ee Muqdisho isagoona ugu hambalyeeyay 70 sano guuradii ka soo wareegtay xorriyadda Shiinaha.