Wararka
Madaxweyne Lafta-Gareen oo shir guddoomiyay kulan uu la yeeshay guddiga dhaqaalada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta shir guddoomiyay kulan ay kasoo qayb galeen Guddiga dhaqaalaha dowlad Goboleedka Koonfur Kalbeed Soomaaliya.
Kulnkaan oo intiisa badan diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalah dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa aragtidooda ka dhiibtay wasiiradii kasoo qayb galay kulanka oo ay kamid ahaayeen wasiirka wasaaradda maaliyadda, wasiirka xanaanada xoolaha ,wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo wasiirka wasaaradda Gaadiidka.
Gaba gabada kulanka ayaa waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka wasaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed Ahmed Mohamed Hussen waxaa uuna faahfaahiyay wixii kasoo baxay kulankaasi.