Wararka

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay qaatay Madaxa Hey’adda Cunada aduunka ee WFP.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed ( Cumar Filish) ayaa maanta Xarunta aqalka Dowlada Hoose Xamar kulan kula qaatay Madaxa Hey’adda Qaramada Midoobe  u Qaabilsan Cunada aduunka ee WFP Qeybteeda Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo.

Guddoomiye  Cumar Maxamud Maxamed ( Cumar Filish) iyo madaxa hay’adda Cunada aduunka ee WFP ayaa kawada hadlay  sidii hay’adda WFP iyo maamulka gobolka Banaadir ay isaga kaashan lahaayeen barnaamijyada lagu taageeraayo arimaha laxariira wax soo saarka dalka iyo shaqa abuurka dhalinyarada.

Intii uu kulanka socday ayaa sidoo kale masuuliyiinta waxaa ay isla gaareen sidii xalwaaro looga gaari lahaa arimaha barakacayaasha iyo sidii taageera dhab ah loogu sameyn lahaa qoysaska danyarka ah  ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, waxaa ay sidoo kale kawada hadleyn in la fuliyo mashriic lagu garab istaagaayo wax soo saarka beeraha iyo qeyraadka bada.

Image may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 2 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 7 peopleImage may contain: 2 people, people smiling

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close