Wararka
Wasiiru’dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo ka warbixiyay shirka caalamiga ah ee madasha wada-tashiga Soomaali oo dhawaan lagu qaban doona Muqdisho.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa ay rajaynaysaa in ay qabato shirka caalamiga ah ee madasha wada-tashiga Soomaali kaas oo ay kasoo qayb gali doonaan in kabadan 40 dal iyo hay’addaha daneeyo Soomaaliya horumarkeeda dhaqaale iyo siyaasaddba.
Wasiiru’dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Xaamud oo ka warbixiyay kulankaan oo lafilaayo in uu caasimada Muqdisho ka qabsooma 1-da ilaa 2-bada misha October ayaa sheegay in ay dowla Federaalka Soomaaliya farxad u tahay in ay marti galiso shirkaasi.
Shirkaan oo muddo laba maalin socon doona ayaa waxaa looga hadli doonaa wasaaradaha sida ay u qaybsan yihiin Tubaha Qaranka, siyaasadda loo dhanyahay, arrimaha Bulshada, Horumarinta dhaqaalaha, Amniga iyo caddaaladda waxaana kulanka dhamaadkiisa kasoo qayb gali doona oo soo xiri doona madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha xukuuma federaalka Soomaaliya Hassan Ali Khayre.
“Shirka labada bari ee uu soconaayo, maalinta ugu horeyso waa maalinta farsamado, wasaaradaha sida ay u qaybsan yihiin Tubaha Qaranka, siyaasadda loo dhanyahay, arrimaha Bulshada, Horumarinta dhaqaalaha, Amniga iyo caddaaladda. Maalinta labaadna waxaa noo imaan doona oo hadli doona madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Qaranka Mudane Hassan Ali Khayre sidoo kale meesha waxaa imaan doona maamul Goboleedyada wadanka iyo maamulka Gobolka Banadir oo iyaguna kasoo qayb gali doona”. Ayuu yiri Cabdullaahi Xaamud