Wararka
Madaxweynaha dalka oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee Safaradda Soomaaliya ee Maraykanka.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala dalka Maraykanka ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Washington.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Safaarada ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan oo noqonaya dhismihii Safaaradeed oo ugu horreeyey ee Dowladda Soomaaliyeed ay ku yeelato dalka Maraykanka ay muujinayso mudnaanta dowladdu ay siinayso soo celinta maaqaamka Soomaaliya ay ku heed caalamka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka kula dar daarmay in ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan diblomaasiyiinta safaaradda, isagoo tilmaamay in dhismahan uu yahay hanti ay leeyihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.
Madaxweyne dalka ayaa muujiyey dadaallada ay dowladdu ku bixineyso soo celinta qabkii iyo sharafkii dadka Soomaaliyeed ay ku lahaayeen caalamka, haatanna la qorsheynayo si la mid ah tallaabadaan in dowladda ay u dhammeystiri doonto dhismaha iyo dayactirka Safaarado kale oo Soomaaliya ay ku leedahay dalal kale.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Diblomaasiyiinta Soomaaliya ee Washington in ay si siman ugu adeegaan, si dhowna uga warqabaan shacabka Soomaaliyeed ee ay mataaladda u yihiin, muhiimna ay tahay in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.